Xog: Farmaajo oo Itoobiya ku wareejiyay Dekeda Seeylac

Sida ay daabacday Mareegta Marsanews, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Doowlada Itoobiya kuwareejiyay Dekeda Seeylac, si ay saldhig milatari uga dhigato.

Hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa bilihii lasoo dhaafay yeelanayay kulamo aan xog badan laga hayn, waxaana wali mugdi ku jiraa heshiisyo badan oo ay labada dhinac kala saxiixdeen.

Marsanews, oo soo xiganeysa ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu dhigiisa Abiy u saxiixay heshiis u ogolaanaya Itoobiya, inee saldhig Milatari ka furato Dekeda Seeylac.

Itoobiya oo aan wax Bad ah laheen, ayaa sameeysatay Ciidamo Bad, Bil kahor ayayna ahayd markii uu R/wasaaraha dalkaas Abiy ka dhawaajiyay, ineeysan jirin sabab ay itoobiya u lahaan Deked, hadalkaas oo loo fasiran karo isku haleenta Heshiisyada uu la galay Farmaajo.

Itoobiya, ayaa markii ugu horeeysay sameystay ciidamo kuwa Badda ah, iyadoo aysan lahayn wax Deked ah.

Tirada shacabka Itoobiya, ayaa hada mareysa in ka badan 90 Million qof, taasoo 10 mar ku laba jibaaranta Tirada Soomaalida oo dhan.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.