Sadexdaan arrimood ayuu isku-casilay Geeseey

Wasiirkii howlaha guud iyo Guryeenta Xukuumadda Kheyre, ayaa shalay ku dhawaaqay inuu is-casilay.

Geeseey
Geeseey

Hadaba C/fitaax Geeseey, ayaa is-casilaadiisa waxeey dhawaac weyn gaarsiisay Xukuumadda Kheyre.

3 Sabab uu isku casilay wasiirka howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyenta xukuumadda federaalka ah Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey:

1. Faragelinta Koonfur galbeed iyo guud ahaan maamullada kale uu sheegay ineysan jirin meel looga gaaray go’aan wadajir ah.

2. Xariga Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow iyo ka reebidiisa tartanka doorashada ayaa ah sabab kale uu sheegay inuu isku casilay wasiirka howlaga guud.

2. La-tashi la’aanta dadka metala koonfur galbeed ee ku jira golaha wasiirada iyo baarlamaanka federaalka ah.

Sidoo kale waxaa jira guux ah in masuuliyiin kale oo katirsan Xukuumadda Kheyre kana soo jeeda K/galbeed ay qorsheeynayaan ineey is-casilaan hadii Xukuumadda sii wado faragelinta doorashada maamulkaas.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.