Qalbi-Dhagax oo markale ka hadlay dhiibistiisa

Halgamaa Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax oo ah sarkaal ka tirsan ONLF ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli raalingalin ka siin xariggiisii iyo in loo gacangalyo dowladda Itoobiya.

Isagoo ka hadlayay ka hadlay shirka madasha aqoonyahanada ee ka socda Jabuuti, ayuu sheegay in weli xukuumadda Soomaaliya aysan raaligalin ka bixin xariggiisa iyo tacadigii loo geestay maadama laga qabtay Muqdisho isagoo indhaha ka xiranna loo gacangaliyay dowladda Itoobiya, in kastoo dhowr bilood ka hor la sii daayay.

Qalbiga dhagax ayaa ka mid ah 150 qof oo lagu casuumay shir sare oo uu soo qaban qaabiyay machadka siyaasadda Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho loogana hadlayo isbaddelka siyaasadeed ee geeska Afrika iyo sida Soomaaliya uga faa’ideesan karto.

Si kastaba, guddoomiyaha jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa horrey u sheegay in uu kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bishii Julay sannadkan booqasho ku tagey waddanka Eritrea uu raaligalin ka siiyay falkii lagu dhiibay Cabdikariim Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa ONLF oo loo dhiibay dowladda Itoobiya bishii August ee sannadkii horre.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.