Maxaa kasoo kordhay Xaalada Baydhabo?

Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaray magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in ciidamo aad u farabadan oo isugu jira Itoobiyaan iyo kuwa Doowlada Soomaaliya lagu daadiyay xaafadaha magaalada,islamarkaasina hawada laga saaray isgaarsiinta.

Magaalada Baydhabo
Magaalada Baydhabo

Dhinaca kale waxaa wali sii socda banaanbaxa ay dhigayaan shacabka Baydhabo, kuwaasoo ka careysan xariga Mukhtaar Rooboow.

Safaarada UK ee Muqdisho iyo Beesha Caalamka, ayaa si wadajir ah u cambaareeyay qalalaasaha iyo rabshadaha kasocda Baydhabo, waxeeyna ku baaqeen in wadahadal lagu xaliyo arinta taagan.

Dhinaca kale War qoraal ah oo kasoo baxay taliska you sareeya ciidamada AMISOM, ayaa lagu sheegay ineeysan wax door ah ku laheen xariga loo geystay musharax Mukhtaar Rooboow oo hada ku xiran magaalada Muqdisho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.