India oo qabatay Doon Hub u siday Soomaaliya

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Badda India, ayaa gacanta ku dhigay Doon Hub is buuxay oo u socotay Soomaaliya.

War kasoo baxay wasaaradda difaaca India, ayaa lagu sheegay in mid kamid ah Maraakiibta dagaalka kana mid ah kuwa la dagaalama Byrcad-badeedda uu qabtay Doon Hub is buuxay oo ku wajahneed Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay India, waxaa lagu sheegay in Doonta at saarnaayeen AK47 dhowr xabo iyo Rasaas gaareysa 471 xabo.

Waa markii 2aad oo Markab dagaal India ka socda uu xeebaha Soomaaliya ku qabto Doon Hub sida.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.