Wararkii ugu dambeeyay xariga Mukhtaar Rooboow

oMukhtaar Rooboow, afhayeenkii hore Alshabaab, haatana ahaa musharax madaxweyne maamulka Koofur-galbeed oo ay maanta ciidamo Itoobiyaan xireen , ayaa lagu soo waramayaa in laga soo dajiyay magaalada Muqdisho.

Wararku waxeey intaas ku darayaan in Rooboow lagu wareejiyay ciidamada Sirdoonka (NISA).

Dhinaca kale war kasoo baxay wasaaradda amniga, ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Rooboow uusan buuxin shuruudihii lagula heshiiyay markii uu isasoo dhiibayay.

Sidoo kale warka wasaaradda amniga kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Rooboow uu ciidamo iyo Hub kusoo daabulay gudaha magaalada Baydhabo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.