Madaxweyne Farmaajo oo ka guuraya Muqdisho

Sida ay xaqiijinayaan ilo sirdoon iyo kuwa diblomaasiyadeed oo aad ugu dhow Villa Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo waxa uu qorshaynayaa in uu Muqdisho ka guuro oo uu magaalo kale oo Soomaaliya ku taal u wareego asaga iyo dawladdiisuba. Qorshahaan halista ah ayaa Madaxweynaha waxaa ku caawinaya dawladda Eritereeya oo u ballanqaadday in ay siinayso ciidan ilaa 10,000 oo askari ah.

{FOR LOCAL USE}Mohamad A. Mohamed, prime minister of Somalia, was in town to visit family and took in tonight’s ceremony. The Concerned Citizens Following the Dream Committee held its annual event at Kleinhans Music Hall in Buffalo on Jan. 16,2011 to pay tribute to Rev. Martin L. King.
{Photo by Robert Kirkham}

Qorshahaan uu Madaxweyne Farmaajo Muqdisho uga guurayo ayaan Raisul Wasaare Khayrre waxba kala socon waayo waa laga qariyay sida la malaynayo.

Bishii hore ayaa madaxweyne Farmaajo qorshahaan ku wargaliyay qaar ka mid ah Lataliyayaashiisa iyo rag kale oo aad ugu dhow laakiin rag badan oo ka mid ah dadka uu madaxweynuhu qorshahaan u bandhigay ayaa ka soo horjeestay qorshaha Madaxweynuhu Muqdisho uga guurayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sababeeyay ka guuridda Muqdisho in uusan Muqdisho ku shaqayn karin mucaaradkuna halis ku hayaan dawladda laakiin qaar ka mid ah Lataliyayaashiisa ayaa u sheegay Farmaajo in aysan jirin khatar amni oo mucaaradku ku hayaan dawladda mucaaradkuna aysan ahayn kuwa hubaysan. Balse Farmaajo ayaa ku adkaystay in uu Muqdhisho ka guuro.

Maxay tahay sababta uu Farmaajo Muqdisho uga guurayo?

Madaxweyne Farmaajo waxa uu aamminsan yahay in dawlad adag oo soomaaliyeed lagu soo celin karo awood ciidan iyo dawlad kalitalis ah oo kaliya.
Waxa uu aamminsan yahay in mucaraadku halis yihiin xattaa haddii aysan hubaysnayn.
Farmaajo, waxa uu aamminsan yahay in doorashada 4tii sanaba la qabanayo ay cqabad ku tahay dawlad xoog leh oo dhalata sidaas darteed waxa uu doonayaa in doorashada 2020 uu baajiyo. Sidaas awgeed Farmaajo waxa uu rabaa in baabi’iyo mucaaradka doorasho doonka ah Baarlamaankana ka dhigo mid aan jirin oo kale. Tani waa sababtii uu Jawaari u cayriyay. Laakiin Farmaajo waxaa qabsatay arrin uusan filayn taas oo ah in ninkii uu asagu gacantiisa ku keenay (Guddoomiye Mursal) ayaa halis ku noqday. Guddoomiye Mursal waxa uu ka hor yimid siyaasadda Farmaajo uu mucaraadka iyo Baarlamaanka ku baabi’inayo, khilaafkooduna halkaas ayuu ka bilowday.

Sidee ku bilowday khilaafka Farmaajo iyo Mursal?

Madaxweyne Farmaajo si uu xaqiijiyo soyaasddiisa uu mucaraadka ku baabi’inayo, Baarlamaankana fadhiid uga dhigayo, doorashadana ku baajinayo waxa dajiyay qorshe uu arrintaas ku meel marin lahaa kuwaas oo ah..
Maadaama ciidanka Amisom aysan yeelayn in ay amarka Farmaajo ku shaqeeyaan oo mucaaradka burburiyaan Farmaajo waxa
1. In uu ciidanka Amisom ku beddalo kuwa Itoobiya iyo Eritereeya.
2. In uu kala diro dhammaan ciidanka soomaalida
3. In uu qorto ciidan cusub oo asaga daacad u ah.
4. In ciidanka Itoobiya iyo Eretereeya ay dalka dhan gacanta ku dhigaan oo xatta Maamul Goboleedyada ay baabi’iyaan.

Kulankii Farmaajo, Abiy Axmad iyo Afwerqi.

Madaxweyne Farmaajo kulankii uu la yeeshay Isaias Afwerqi ayuu Afwerqi u ballanqaaday Farmaajo 10,000 oo dalka u qabta. Laakiin Abiy Axmad ayaa Farmaajo u sheegay in aysan suurtogal ahayn in ciidan shisheeye dalka u qabtaan. Sidoo kale Abiy Axmad waxa uu shaki ka muujiyay sida Farmaajo dadka soomaaliyeed ugu qancin karo baabi’inta mucaaradka iyo baajinta doorashada. Abiy Axmad waxa uu farmaajo kula taliyay in uu marka hore Shabaab baabi’iyo laakiin Afwerqi ayaa cadaadis badan saaray Abiy Axmad kaas oo ugu dambayn aqbalay qorshaha Farmaajo iyo Afwerqi.

Maxay tahay danta Isaias Afwerqi?

Afwerqi oo saamayn badan ku yeeshay siyaasadda Itoobiya tan iyo intii Abiy Axmad xilka qabtay waxa uu doonayaa in gobolka Geeska Afrika oo dhan uu asgu oday u noqdo. Sidoo kale Afwerqi waxa uu colaad xun u qabaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shiikh Shariif oo ay 2009kii Asmara ku soo kala dhinteen markii Shiikh Shariif la heshiiyay Dawladdii Kumeelgaarka ahayd. Afwerqi waxa uu Shariif iyo Cabdiraxmaan ku eedaynayaa in ay ayagu sabab u ahaayeen go’doonmintii iyo cunaqabatayntii adduunka saaray Eritereeya. Sidaas darteed Afwerqi waxa uu rabaa in ka aarsado.

Ka guurista Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo markii hore qorshihiisu waxa uu ahaa in Baarlamaanku soo saaro qaraar Amisom dalka uga baxayaan kadibna Madaxweynuhu Amisom 2 asbuuc u qabto in ay dalka uga baxaan. Marka Amisom baxaan Muqdisho waxa soo weerarya Shabaab kadibna Farmaaajo waxa uu caawimaad deg deg ah waydiisanayaa Eritereeya iyo Itoobiya. Qorshaha Farmaajo ciidanka Itoobiya iyo kan Eritereeya dalka ku keenayo markii hore sidaas ayuu ahaa. Laakiin waxaa baabi’iyay Guddoomiye Mursal oo diiday, sidaas awgeed Farmaajo waxa uu dajiyay qorshe labaad kaas oo ah in uu Muqdisho isaga baxo kuna dhawaaqo in caasimaddii si kumeel gaar ah dawladda looga raray sababo ammaan dartood. Marka Farmaajo intaas sameeyo Amisom waxaa qasab ku noqonaysa in ay Muqdisho ka baxaan illeen dawladdii ay ilaalin jireen ma joogtee. Marka Amisom baxaan Muqdisho shabaab ayaa si toos ah u la wareegaya kadibna Farmaajo oo Eritereyaan iyo Itoobiyaan wata ayaa ku dhawaaqaya qorshe Muqdisho lagu qabsanayo sidaasna waxa ku bilaabanaya dagaalka Farmaajo rabo in uu dalka dhan ku qabsado.

Magaaladee Farmaajo u guurayaa?

Sida ay xaqiijinayaan ilo aad uga warqaba qorshahaan, Farmaajo waxa uu doonayaa in uu u guuro labo magaalo midkood. Tan koowaad waa Kismaayo. Sida qorshuhu yahay maamulka Axmad Madoobe ayaa meesha laga saarayaa ayadoo la adeegsanayo ciidanka Eritereeya, Itoobiya iyo Liyuu Boliis. Marka Axmad Madoobe laga takhalluso Farmaajo iyo dawladdiisu waxa ay u wareegayaan Kismaayo. Sababta Kismaayo lagu doortay waa in ay leedahay Dekad iyo in ay ku taallo geeska ama ciribka dalka taas oo fududaynaysa in laga abaabulo oo laga bilaabo dagaalka dalka Soomaaliya oo dhan lagu qabanayo.

Magalaada labaad waa Baydhabo. Qorshaha koowaad waa in marka K. Galbeed Madaxweyne looga dhigo nin Farmaajo wato kadibna sidaas Baydhabo Farmaajo ugu wareego. Marka Farmaajo iyo xukuumaddiisu Baydhabo tagaan oo ciidanka Eritereeya lagu soo daadgureeyo magaalada waxaa laga takhallusi doonaa Madaxweynaha K. Galbeed kadibna dhammaan madaxweynayaasha M. Goboleedyada ayaa midba mar laga takhallusi doonaa.

Waxaa kale oo qorshahaan ku jira in Turkiga iyo Qadar la eryo, Imaaraadka la la heshiiyo.

2 COMMENTS

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.