Maxaa kajira in Abiy & Afawerki kusoo wajahanyihiin Muqdisho?

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Hogaamiyaasha Itoobiya & Ereteriya ay kusoo wajahanyihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno Socdaalka labadaan Afawerki iyo Abiy, ayaa salka ku haaya Kulanka sadex-geesoodka sadexda masuul oo dhawaan ku qabsoomi doona Muqdisho. waxaana si aad ah loo adkeeyay amaanka Caasimadda.

Kulanka Farmaajo,Afawerki iyo Abiy, ayaa daba socda Kulan July 2018 ku qabsoomay magaalada Bahar-Dar ee dalka Itoobiya, markaasuu uu sameysmay iskaashida sadexda dal.

Kulanka sadexdaan masuul ayaa kusoo aadaya, xili qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka oo gaaraya 92 ay Guddoonka sare u gudbiyeen Mooshin ka dhan madaxweyne Farmaajo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.