Faah-Faahinta Kulan dhexmaray Mursal & Guddoomiyaha Aqalka Sare

Sida aan wararka ku heleeyno, waxaa xalay kulan xasaasi ah dhex maray Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mursal iyo kan aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay xalinta Khilaafka ka dhashay Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

Warar Hoose oo ay heleyso Midnimo.com ayaa xaqiijinaya in Guddoomiye Mursan uu dhigiisa aqalka Sare u gudbiyay, in Madaxtooyada iyo Xafiiska R/wasaaraha ay sixun ula dhaqmeen.

Guddoomiye Mursal, ayaa tan iyo markii uu qabtay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, waxaa lagu soo rogay xayiraad, sidoo kale waxaa loo diiday inuu qaabilo Xildhibaano iyo masuuliyiin.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.