Muqdisho: Xildhibaano loo diiday ineey Warbaahinta la hadlaan

Qaar kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, ayaa maanta laga hor istaagay ineey Warbaahinta kula hadlaan Xaruunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku heleyno, Xildhibaanadaan oo ku sugnaa Villa-Hargeysa, ayaa doonayay ineey Warbaahinta lahadlaan, balse waxaa kahor istaagay Ciidamo ka tirsan Doowlada.

Xildhibaanadan ayaa doonayay ineey ka jawaabaan warqada kasoo baxday Xafiiska Xogheynta Baarlamanka, kaasoo sheegay inuu buray Mooshinkii laga soo gudbiyay Madaxweynaha.

Waxaa wali cakiran xiisada ka dhalatay Mooshinka ay Xildhibaano katirsan Baarlamanka Soomaaliya kasoo gudbiyeen Madaxweynaha.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.