Muuse Biixi oo badalay go’aan uu ka qaatay dowladda Farmaajo hogaamiyo

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka laabtay go’aan uu horay uga gaaray in uu wadahadal la galo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Muuse Biixi, ayaa 20kii Bishii la so dhaafay ka sheegay Magaalada Burco in aysan marna la galeyn wax wadahadal ah inta ay Soomaaliya ka aqoonsaneyso Somaliland.

Go’aankaas ayaa isbeddelay shalay kaddib markii Wafdi ka socda Midowga Yurub uu kula kulmay Magalada Hargeysa.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi,  ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka Somaliland.

1 COMMENT

  1. waxay ilatahay inaydaan ku deg degin xilka qaadista madax wayne farmaajo Maxaa yelay waa in culays lagu saaro inuu heshiiska itoopia iyo erateria baar lamàanka horkeeno kadib wixii kasoo baxa uban dhigo wada madan 2 ah arintii galbi dhagaxna raali galin kabixiyo…

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.