Labo Gabdhood oo Soomaali ah oo ku dhintay Mareykanka

Ciidamada Booliska Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waddo Baaritaano ku aadan geeridda Labo Gabdhood oo Soomaali ah oo la sheegay in ay ku dhinteen Shil gaari.

Amaal Maxamed , Anisa Maxamed oo ahaa labo Gabadhood oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay dalka Mareykanka.

Waxaa uu sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Amina Maxamed oo la dhalatay labadda Gabdhood ee geeriyooday.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee goobta uu falku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in Gabadhaha ay geeriyoodeen ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen oo xowli ku socday uu ku dhacay Gaari kale, waxaana sidoo kale jira dad kale oo ay waxyeelo soo gaartay.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay Markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen.

Dhawaan ayay aheyd Markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib  markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.