Mareykanka oo duqeeyay gobolka Baay & Wararkii u dambeeyay

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay in 9 xubnood oo ka mid ah AL-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday meel ka mid ah Gobolka Baay.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday degaanka Ceelwey ay ku dhinteen sagaal ka mid ah xubnaha Al-shabaab.

Waxaa kale oo qoraalka ka soo baxay Mareykanka lagu sheegay in khasaare dad rayid ah gaaray uusan jirin.

Weerarka uu Mareykanka ka geystay Gobolka Baay waa kii 37aad ee sanadkan kaliya uu ka fuliyo Soomaaliya,waxaana uu ka saramaray dhamaan weerarradii sanad kasta uu ka fulin iray Soomaaliya.

inta badan Gobollada Koofurta ayuu duqeyn geysan jiray Mareykanka,waxaase hadda uu weerarro ka geystaa meelo ka mid ah degaannada Maamullada Galmudug iyo Puntland.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.