Wararkii gu dambeeyay baaritaano ka socdo magaalada Boosaaso

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Xalay Magaalada uu ka dhacay Qarax ay ku geeriyoodeen labo ruux Afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.