Dib u eegis lagu sameynaayo Agaasimeyeyaasha Guud ee Wasaaraddaha

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u eegis ay ku sameyn doonto Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha dowladda Soomaaliya si loo dardargaliyo qorshe howleedka dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in la tixraaci doono warqadii uu horay u soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, taasoo aheyd in tartan furan loo galo Agaasimeyaasha kala duwan ee Wasaaraddaha dowladda.

Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Patroolka ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale qaadi doonto tilaabooyin lagu ilaaliyo midnimadda Soomaaliya oo ay ugu horreyso sidii dardargalin lahaa Wada hadallada Soomaaliya iyo waliba Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Wasaaraddaha kala duwan ee dowladda lagu amray in ay soo gudbiyaan waxqabadkooda ku aadan waxyaabihii ay qabteen Sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018-ka.

235

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.