Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Socda Gobolka Sh/Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan kawadaan deegaano hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Deegaanada Jilib Marka iyo Gandarshe ayaa Ciidamada Dowladda ka wadaan dhaqaaqyada,,waxaana deegaanadaas meel aan ka fogeen ku sugan Al-Shabaab.

Dhawaan deegaanadaas ayaa waxaa dagaal qaraar uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab,waxana ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanadaas,hayeeshee mararka qaar weeraro lagu ay kusoo qaadaan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab,isla markaana ay uga saarayaan deegaanada ay ka joogaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa dhawaan waxa ay sheegeen inay dagaal ku qabsadeen Gaari nooca Beebaha loo yaqaano oo ay wateen Ciidamada Dowladda,waxana Wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada dowladda gaarigaas ku raadjoogaan.

Wararka saakay naga soo gaaraya deegaano hoostaga Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan,iyada oo dadka deegaanka qaarkood ay horay u barakaceen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.