Maamule Iskuul oo lagu dilay degmada Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose

Wararka naga gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen nin ahaa maamulo iskuul xilli uu ku sugnaa Xafiiskiisa.

Macalinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Mahad,waxaana uu ahaa maamulaha Iskuulka Daarul Amal oo ku yaalla degmada Afgooye.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Dilka ninkaan ayaa yimid xilli Magaalada Muqdisho xalay lagu dilay Xuseen Maxamed Xuseen oo ahaa maamulo Iskuul.

Bil ka hor ayeey aheyd markii Xaafadda Suuqa Xoolaha qaybta Degmada Yaaqshiid lagu dilay laba macalin oo Iskuul ku yaalla halkaasi wax ka dhigi jiray.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.