Jubbaland oo sheegtay in aan weli la xalin Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda

Iyadoo kol sii horeysay oo maanta ah guddiga Aqalka sare ee dalka ay u xil saareyn xalinta khilaafka xoogeystay ee dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad gobleedyada dalka ka jira ay sheegeen in ay ku guuleysteen xalinta khilaafkaasi ayaa waxaa soo baxaayo warar qilaafsan hadalka guddiga ay shaaciyeen.

Hadalka Guddiga Aqalka sare ee xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa durbadiiba waxaa jawaab adag ka bixiyay Maamulka Jubbaland oo sheegay in aan sidii loo baahnaa loo xalin khilaafkaasi welina ay jiraan arrimo kale oo caqabad ku ah in heshiis waara la dhex dhigo labbada dhinac.

Xirsi Jaamac Gaani oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in qeyb yar oo kamid ah khilaafkaasi in la xaliyay balse weli aanan la dhihi karin waxaa la xaliyey khilaafkaasi.

“Qeyb yar oo kamid ah waxyaabaha ay isku khilaafsanyihiin Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ayaa la xaliyey waana arrin muhiim ah oo bilaaw fiican ah balse waxaa iyana dhibaato ah in la dhaho waa la xaliyey oo waa lasoo afjaray khilaafkaasi iyada oo aan weli la isku fahmin waxyaabo badan oo markii horeba sabab u ahaa khilaafkaasi” ayuu sheegay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani.

Waxa ay u muuqataa in maamulka Jubbaland oo kamid ah maamulada khilaafka xoogan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Soomaaliya in uu saluugsanyahay hadalka kasoo baxay guddiga Aqalka sare ay u magacaabeen in ay xaliyaan khilaafkaasi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.