Waa sidee xaaladda amaanka degmada Af-madoow

Taliyahya  Ciidamada amaanka degamada Af-madoow ee Gobolka Jubbada Hoose Aar shiikh Cali ayaa inooga warbixiyay xaalada amniga ee degmadaasi waxa uuna sheegay in amaanka degmadaasi uu yahay mid la isku haleyn karo.

Taliye Aar ayaa sheegay in Ciidamada amaanka degmadaasi ay si joogto ah u shaqeeyaan waana sababta amaanka degmada Af-madoow uu u yahay mid xasiloon sida uu sheegay waxa uuna qeybaha kala duan ee bulshada degmadaasi ku nool ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan Ciidamada amaanka sugida amaanka.

Waxa uu si gaar ah dhalinyarada Degmada Af-madoow ee Gobolka Jubbada Hoose kaga codsaday in Ciidamada amaanka ay kusoo wargeliyaan waxyaabaha amaanka lidiga ku ah, isaga oo u balan qaaday in wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan oo ay aad ugu dhaga nuglaan doonaan.

Hadalka Taliyaha Ciidamada amaanka Degamada Af-madoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa kusoo aadaya xili dagaalyahanada shabaab ay dhaaanahaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ay ka wadeyn gobalada Jubbooyinka.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.