Turkiga oo arin Muhiim ah ka taageeraya Dowladda Somalia

177

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa Sheegay in Dowlada Turkiga ay sii xoojinayo dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda soomaaliya si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil,  taa badalkeedane looga hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya isagoona tilmaamay in dhammaan xerooyinka Ciidamada Xoogga dalka ay dhowaan ku sameynayaan dib u dayactir.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii waxa uu ku bogaadiyay Dowladda soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada qalabka sida.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.