Gabadhii ugu horreysay Qaxooti-Muslimad ah oo kamid noqotay congress-ka Maraykanka

145

Ilhaan Cumar waa siyaasi Soomaali Amerikaan ah; ku dhalatay Soomaaliya sanadkii 1982. Nolosha guri dabaqada dhexe ku sugan ayay kusoo dhex kortay, aabaheed Cumar Maxamed waxa uu ahaa tababare macallin.

Hooyadeed waxa ay u dhalatay Yeman, iyadoo cunug yar ah ayay geeriyootay. Aabaheed iyo awowgeed ayaana soo koriyey.

Markii dagaalka sokeeye ee dalka uu qarxay sanadkii 1991, waxa ay iyada iyo qoyskeeda ka carareen dalka. Iyaga oo qaxooti ku ahaayeen muddo afar sano ah xero qaxooti oo ku taalla dalka Kenya.

Sanadkii 1995, Ilhaan iyo qoyskeeda Maraykanka ayey tageen iyagoo qaxooti ah. Waxayna dageen markii hore Arlington oo katirsan gobalka Virginia ee dalka Maraykanka. Isla sanadkaasi ayay u wareegeen Minneapolis halkaasi oo Ilhaan ay af-Ingriisiga si degdeg ah ugu baratay muddo seddex bilood ah.

Wax-barashada:

Ilhaan ayaa ku biirtay dugsiga Edison High School oo ay ka noqotay qaban-qaabiye iskii ah. Markii ay dhamaysay dugsiga, waxa ay ku biirtay Jaamacadda North Dakota State University kana qaadatay shahaadada koobaad ee cilmiga Siyaasadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah. xubin ayay ka noqotay ururka Muslimiinta Jaamacadda ee Muslim Student Association.

Sida ay siyaaasadda ugu soo biirtay:

Bilowgii hore, Sanadkii 2012, waxa ay madax ka noqotay Ol’olaha Kari Dziedzic oo doonaysay in ay xubin ka noqoto Minnesota State Senate. Intii u dhaxaysay 2012-2013, waaxda Minnesota Department of Education ayey kala shaqaynaysay quudinta carruurta. Intii u dhaxaysay 2013-2015, waxa ay la-taliye dhanka siyaasadda u ahayd Andrew Johnson oo ku guuleystay inuu kamid noqdo golaha magaalada Minneapolis – Minneapolis City Council.

Bishii September 2015, waxa ay noqotay agaasimaha qeybta siyaasadda iyo dadaallada ee Hey’adda Women Organizing Women Network oo ah hey’ad u ol’oleysa sidii haweenka bariga Afrika ay hoggaanka uga qeyb qaadan lahaayeen.

Ilhaan waxa ay leedahay khibrad iskaa wax u qabso ah, iyada oo ka shaqaysay dhinacyada siyaasadda, waxbarashadda, xuquuqda rayidka, baabi’inta saboolnimada, xuquuqda aadanaha, arrimaha deegaanka iyo xoojinta dhaqaalaha.

Waxaa kale oo ay u doodi jirtay in ardayda dhaqaalo xumida heysato laga dhaafo lacagaha jaamacadda. Sanadkii 2016, Ilhaan waxa ay ku dhawaaqday in ay murashax xildhibaan Xisbiga Dimuqraadiga ah u tahay gobalka Minnesota.

Ol’ole iyo dadaal dheer kadib, Ilhaan waxa ay ku guuleysatay in ay noqoto xildhibaan ka tirsan gobalka Minnesota. Sidaasi waxa ay ku noqotay xildhibaankii ugu horreeyay ee qaxooti Soomaali-Afrikan-Muslim ah gudaha Maraykanka.

June 2018, ilhaan ayaa shaaca ka qaadday in ay u tartamayso kamid noqoshada Aqalka wakiilada Maraykanka, Xildhibaan Keith Ellison oo ahaa mudanihii ugu horeeyey ee Muslim ah oo congress-ka Maraykanka gala ayaana iska casilay jagadaasi.

7 November 2018 ayay si rasmi ah ugu guulaysatay xaqiijinta kamid noqoshada aqalka congress-ka Maraykanka iyada oo ilhan Cumar loo aqoonsaday gabadhii ugu horreysay oo muslimad ah oo darajadaasi ka gaarta siyaasadda Mareekanka.

Abaal-gudyadii ay heshay:
Dadaalka iyo awoodda hoggaamin ee Ilhaan Cumar waa lawada qiray; waxaana la siiyay abaal-marinno dhowr ah. Sanadkii 2015, waxaa la siiyay abaal-marin la xariirta hoggaaminta wanaagsan ee African Awards.

W/Q: Mahamed Sheikh Yusuf (Baari) – Qoraa, Suxufi iyo Taariikh-yahan. Ahna Qoraha buugga: “Haldoorrada Haweenkeenna (1888-2018)”

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.