DEG DEG Masuul kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed oo iscasilaad ku dhawaaqay

126

Waxaa sii kordhaya isbedelada ku imanaya siyaasada dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya waxaana goor dhow ku dhowaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Wasiirkii Dastuurka Koofurgalbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa is casilaadiisa ku tilmaamay inay timid kadib markii Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan uu iska casilay madaxtinimada Maamul Goboleedka Koofurgalbeed isla markaana ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada koonfur galbeed.

Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa dhowaan kulan lagu qabtay magaalada Garowe waxaa loogu magacaabay afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo markii hore lagu aasaasay shan Madaxweyne Maamul Goboleed ayaa waxaa haatan ku soo haray saddex Madaxweyne Maamul Goboleed kadib markii uu Madaxweynihii Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu heshiis la galay Dowlada Federalka halka uu maantana is casilay Madaxweynihii Maamul goboleedka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.