Al-Shabaab Hubeysan oo Baydhabo lagu qabtay

262

Ciidamada amaanka ayaa magaalada Baydhabo xalay ku qabtay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku hubeysnaa Bistoolad.

Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Amaanka ayaa waxaa gacanta ku dhigeen labo nin ka tirsan Al-Shabaab,waxaana howgalka uu ka dhacay Gurif ku yaala Xaafada  Horseed ee Magaalada Baydhabo.

Xubnaha  la soo qabtay ayaa waxaa la sheegay in islaxalay la dhigay xabsi ku yaalla magaalada Baydhabo, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah, sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidanka Magaalada Baydhabo.

Taliyaha booliska degmada Baydhabo oo gacanta ku dhigay raggan ayaa sheegay inay maleegayeen xilligii la soo qabanayay falal ka baxsan ammaanka.

Maalin ka hor ayay aheyd markii labo qarax oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen laba maqaaxi oo ku taalla  bartamaha magaalada Baydhabo, waxayna qaraxyadaasi geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Aargada magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.