Kheyre oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho “Muxu lasoo kulmay”

196

Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Kheyr, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, markii booqasho rasmi ah uu laba cisho ka hor ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Sacuudiga waxay kulamo la qaateen Boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugahiisa Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee Labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ganacsiga , fursadaha maal-gashi ee dalka ka jira iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mudane Kheyre ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo booqday xaramka barakaysan, isaga oo halkaasi ku soo cumraystay, una soo duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.