Reer Koofur Galbeed oo Raali gelin kale helay

240

Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa raaligalin ka bixiyay jawaab uu dhawaan bixiyay oo ay ka caroodeen Shacabka “May-ga”.

Maanta kulanka golaha shacabka waxaa jooga 156 Xildhibaan, ajendaha waa xisaab xirka dowladda ee 2017.

Guddoomiye Mursal ayaa ugu horeyntii wasiir dowlihii maaliyada u sheegay in golaha hortiisa uu raali gelin ka siiyo shacabkii maayga ku hadla ee uu qadafka ka galay.

Waxaa uu sheegay in hadalkiisa si kale loo fasirtay,islamarkaana uu raalin  buuxda uu siinaayo Shacabka ku hadla Lahjadda mayga ka dib markii Su’aal lagu weydiiyay Wasiirka uu sheegay in uusan fahmeyn Lahjadda meyga.

Xildhibaan maxamed fanax oo ahaa Xildhibaankii aan horay Su’aasha looga Jawaabin ayaa Aqbalay raaligelinta uu Bixiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda

Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.