Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa & Xiisad wali taagan

Cali Gacal Casir oo xildhibaano horey ugu shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa wuxuu sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii shalay xildhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay u doorteen Ismaaciil Cabdulle Axmed.

Wuxuu sheegay Cali Gacal in sidoo kale ay bedelayaan guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo lagu tiriyo inuu la safan yahay Galmudug garabka Xaaf.

Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan qaabka ay u dhaceyso doorashada, islamarkaana diyaarinta doorashada ay hada ku mashquulsan yihiin guddiga doorashada.

Cali Gacal Casir oo xildhibaano horey ugu shiray magaalada Dhuusamareeb

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.