Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo dacwad ka gudbinaya Milatari ku sugan Deyniile.

197

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow), oo kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya, ayaa eedeyn u jeediyay ciidamada ku sugan Degmada deyniile.

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee Deyniile, ayaa sheegay in shacabka Degmada dhibaatooyin kala kulmaan askarta dowladda, gaar ahaan kuwooda milatariga ah.

Madaxda ugu sareysa ee dalka , ayuu sheegay inuu ugudbin doono cabashada Shacabka, isagoo rajeeyay in wax laga qabto.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow), ayaa tilmaamay dhibaatooyin shacabka heysta ay kamid tahay in wadooyinkii oo dhan ay xirteen Milatariga, Shacabkana u bixi karin banaanka si ay usoo adeegtaan.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow), oo kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.