Siduu Madaxweyne Waare isaga xaliyay Mooshinkii ka yaalay ?

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in Xil laga gaaray Mooshinkii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi ay ka gudbiyeen Madaxweyne Waare.

Kulamo aan dhammaad laheyn ayaa tan iyo 5-tii bishaan oo ahayd waqtigii Guddoonka Baarlamaanka ay aqbaleen Mooshinka ka socday Magaalada Jowhar.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu qaatay dhaliilihii ay u jeediyeen Xildhibaanada, halka Baarlaamanka iyane lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan Mooshinka.

Waxaa sidoo kale soo baxayon in dhaqaalo lagu xaliyay xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Waare.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.