Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xaadiray Kulanka Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaadiray kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee hadda ka socda Muqdisho ,kaasoo looga hadlaayo xeerhoosaadka Baarlamaanka.

173 Xildhibaan ayaa Kulanka goobjoog ah.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waana xildhibaan Sharafeed Baarlamaanka Soomaaliya ka mid ahaan doona inta uu nool yahay.

Waa Markii ugu horreysay oo uu Xasan Sheekh Maxamuud xaadiro kulanka Baarlamaanka tan iyo markii uu noqday Xildhibaan Sharafeed.

Dhawaan ayuu dalka dib ugu soo laabtay, waxaana uu waday Abaabul dhanka Siyaasadda ah oo uu ku doonaayo in uu Markale noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud oo xaadiray Kulanka baarlamaanka Soomaaliya

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.