Kheyre oo Hanjabaad kale u jeediyay Wasiiradiisa

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaayay barnaamij loogu magac daray daah furnaanta maaliyadeed ee dalka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dad Soomaaliyeed ay xabsiyada ugu daba tagaan dadka u xiran arrimaha la xiriira masuq maasuqa.

Waxa uu faray hay’addaha ammaanka iney xabsiga dhigaan maxkamadahana u gudbiyaan cid walbo oo lagu helo arrimo la xiriira musuq maasuq, waxa uu xusay in xukuumadiisa aysan aqbali doonin wax isdaba marin iyo in hantida qaranka loo adeegsado dano gaar ah.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo doonaya in qof dambiile ah ay ku soo daayaan qaab qabiil, balse arrintaasi aysan aqbali doonin.

Hay’adaha ammaanka ayuu faray islamarkaana maxkamada ay u gudbiyaan cid alba oo lagu helo arrimo la xiriiro musuq maasuq.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.