Waa Tuma Leyla Cali Elmi oo Xildhibaan ka noqotay SWEDEN ?

Leyla Cali Cilmi, Waa Gabar Somali Sweden Ah oo ka timid magaalada Gothenburg waxay ku guuleysatay Kursiga baarlamaanka dalka Sweden, waxayna noqoneysaa Haweeneydii ugu horeysay oo kasoo jeeda Bariga Africa oo ka mid noqota Baarlamaanka.

Arintan waxaa si weyn usoo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden, Sidoo kale waxay soo dhaweyn ka heshay siyaasiyiinta qaar ee dalka Sweden. Doorashadii sanadkaan ka dhacday dalka Sweden Waxaa door weyn ka ciyaariyay Xisbiga Dimiqraadiga ee dadka aan Swedish-ka aheyn.

Layla oo u tartamaysan Xisbiga Cagaaran ama Miljöpartiet, waxay Matalaysaa bulsho badan oo kasoo jeeda Bariga Africa, oo ay ku jiraan ugu yaraan 14,000 oo Soomaali ah, waxay xubin ka heyn tan iyo sanadkii 2014 golaha magaalada ka dhisan.

Layla oo Soomaali ah ayaa qaxooti ahaan dalka Sweden ku gashay sanadkii 1990 iyaga iyo qoyskeeda, waxaana ay ku noolaayeen dalkaasi ilaa hadda oo baarlamaanka ay kamid noqotay.

Waxay ku barbaartay Magaalada Gothenburg  oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Sweden, Waxayna Layla sheegtay in Waxbarashada ay tahay muhiimadeeda koowaad mar haddiiba ay baarlamaanka kamid noqotay.

“Waxaan ka imaaday kuna barbaaray Xaafad, waxa i taabanayo aniga waa siyaasadda iskuuladka, meelaha dadka dhaqaalo yarida heysata ku nool yihiin waxaa heysata iskuul xumo, waa inaan diiradda saarnaa iskuulada, su’aashaasna aniga ayay gaar ii tahay maadaama aan baarlamaanka kamid noqday”ayay tiri Layla.

Xisbiga ay ka tirsan tahay ayaa helay kuraasta 144 kursi oo baarlamaanka kamid ah, halka kuwa kale ay heleen 143 ilaa 42 kursi.

Leyla Cali Cilmi oo ka mid noqotay baarlamaanka Dalka Sweden

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.