May rumoobin Riyadeydii Xalay!!! Qeybtii Seddexaad

Ileen Casirkii waa la dhaafay, lamana gaarin maqrib, Waxaa Da’ay roob socday muddo seddex saac ah laakiin hadda joogsaday, Dabaqyada dhaadheer ee magaalada marka aad hoos Mareyso waxaa ku qabaneyso dhaxan, dabeysha darteed.
 
Ma wato jaakad dhaxanta iga celisa, roobkuna wali wuu tiif tiifayaa oo jawiga ayuu sii qurxinayaa, Dadka hareerahayga maraya waxay wataan Dalado roobka ay ka galaan, oo roob kale ayay ka baqayaan, maadaama cirka uu wali daruur madow ama Mugdi ah leeyahay, laakiin aniga Fanaanad Gacmo dheer ah, midabkeeduna Yahay Cadaan, Garbaha Caalamad madow ugu jiro iyo Surwaal Tolmadiisa iiga baxday qiimo yar aadna u qurux badan iyo Kabo buud ah ayaan wataa.
 
Roobkii ku da’ay Dartii laamiga wuu birqayaa, oo waad iska dhex arki kartaa, maadaama si wanaagsan Dowladda Shiinaha ay u dhistay, Hareeraha Ubaxyada ku beeran ayaa sii qurxoonaaday, Dadkana wey faraxsan yihiin Jawiga iyo Neecowda jirta darteed.
 
Waxaan u socdaa goob aan ku balansanahay Dhalinyaradii aan waqti iyo waayo kusoo wada qaadanay magaalada, balse muddo kadib aan dib u kulmeyno, waxaana daqiiqad teeda xigtaa isoo wacaya Dhalinyarada oo mid kastaa gaarkiisa uu usoo socdo, si aan u kulano.
 
Magaalada Waxaan ka maqnaa muddo sanado ah, laakiin reerka ayaa deganaa oo kama aysan soo tagin, muddadii aan shaqada iyo waxbarashada uga maqnaa.
Mohamed Isse Mohamud Somali Journalist
 
Habeenkii laamiyadda waa la nadiifiyaa oo waxaa dhaqa Dhalinyaro haween iyo Rag ah, oo ku faraxsan isbadalka magaalada, Warshadaha ayaa dib u shaqeyn bilaabay, oo waxaa subax kastaa u shaqo taga Boqolaal ruux oo ka yimaada magaalooyinka u dhow.
 
Saacadda wey is gureysaa, inay habeen noqotaa ayaa kasii qurux badan muuqaalka maalmeed ee magaalada, waxaa intaa aan qeybta dadweynaha ee Laamiga aan ku socday marba marka ka dambeysa daarmaya, leyrarka Casaanka ah ee hareeraha Laamiga lagu safay.
 
Dhirta ku abuuran bartamaha laamiga iyo hareeraha ayaa aad u qurux badan, markuu roobka ku da’ayna wey sii bidhaantay.
Waxaan sii socdaba, waxaan tagay goobtii aan dhalinyarada ku balansaneyn, nasiib wanaag aniga ayaa ugu horeeyo, Waa Goob la diyaariyay dhisme ahaan,
 
Qeybta dadka ku qaxweeyaan waxa fidsan Cowska Macmalka ah, Kuraas Midabkoodu Cadaan yahay, Miisas Jaale aan badneyn uu ku jiro ayaa labo labo la iskuugu diyaariyay.
 
Maan dareemin cidlo, oo Bilicda goobta, caruurta iyo waalidiinta isla socdo ee Faraxsan, soo dhaweynta goobta iyo Jawiga Quruxda ayaa wehel ii noqday, Qabowga ayaa sii kordhay, si aan isku madadaaliyo ayaan adeegihii qaabilsanaa qeybta aan fadhiyo ka codsaday inuu ii sheego Passworka Internetka, wuxuuna igu yiri waa JOWHAR-Special-Restaurant.
 
Waxay Maqaayadda kusii jeedaa Wabiga oo Dadka Dhaqdhaqaaqa Wabiga ayay daawanayaan, marka aad doonto inaad wabiga Aadana, waxaa ka horeeya Muraad Adag oo loo dhaxeysiiyay Dadweynaha iyo Wabiga si xayawaanada Qaar looga badbaado.
 
Markaan Maqlay magacaa JOWHAR ayaan hurdadii ka kacay, Jowhar magaalo aan ku Barbaaray, wax ku bartay walina Qalbigeyga ku jirto, kana go’aynin abid, Horumar iyo Barwaaqo Ahow Abid Jowharey.
 
ADDUUNYO JOWHAR KA JOOG AAKHIRANA JANO.
 
Magaaladee Jeceshay inaan Riyadda Afaraad ku riyoodo.
 
Mohamed Isse Mohamud
Mcmaxamuud1@gmail.com
Facebook.com/mociise

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.