Muxuu isku casilay Wasiirka ka tirsanaa Puntland ?

Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo Cimillada ee Maamulka Puntland Cali Cabdullahi Warsame ayaa iska casilay xilka wasiirnimo.

Cali ayaa is casilaaddiisa ku sababeeyay faragelin uga timid xafiiska Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka degaanka Puntland ayaa sheegay in aan la tashi lagala sameeyn howlaha wasaaraddiisa,shaqadii Wasaaraddana laga wado xafiiska Madaxweynaha Puntland isagana aan lagala tashan.

Waxaa uu Wasiir Cali Cabdullahi Warsame sheegay in dhamaan Mashaariicdii  Horumarinta degaanka ee ay shaqada Wasaaradda ahayd laga maamulo xafiiska Madaxweynaha taas oo uu ku tilmaamay faragelin.

Cali ayaa sheegay in siyaasadda Puntland ee xilligan ay mareyso heerkii ugu xumaa tan iyo 1988kii.

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo iscasilay Cali Cabdullahi Warsame

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.