Maxaa kusoo kordhay Qaraxyadii Xalay Muqdisho ka dhacay ?

Laamaha amaanka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay labo qof u qabteen qaraxyo laba ahaa oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Muqdisho Qaasim Axmed Rooble,ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay baaritaan ka wadaan Muqdisho,ilaa haddana la qabtay labo qof oo la tuhmayo.

Qaasim ayaa sheegay in howlgalka uu sii soconayo iyada oo Magaalada ay si joogto ah baaritaan uga wadaan Ciidamada dowladda ayaa waxaa dhacaya qaraxyada iyo dilalka qaarijinta ah.

Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay saddex Qof,halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.