Halka Qaab ee looga Guuleysan Karo Al Shabaab & Daacich -Akhriso

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, islamarkaana soo sheegaan cid walbo oo xiriir la leh dagaalyahannada Al-Shabaab & Daacish.

Waxa uu sheegay Gaas in Al-Shabaab iyo Daacish looga guuleysan karo shacabka oo la shaqeeya hay’addaha ammaanka, soona sheega cid walbo oo ay tuhmaan.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay Gaas in haddii la helo wada shaqeyn dhanka shacabka ah ay sahlanaaneyso in laga adkaado cid walbo oo amni xuma ka wadda Puntland.

“Daacish iyo Shabaab wey gaysanayaan dhib, laakiin waxaa muhiim ah inaan loo dibcin cadowgaas xunka ah oo aan isaga filan nahay, waxaan aaminsanahay dadkeenna haddii aan isku xirnaano shacab ahaan iyo xukuumad ahaan aan ka guuleysan karno, waxaa nalaga rabaa inaan iska celinno oo aan meel iska saarno, shacabka oo dowladda usoo waramaya ayaa lagu guuleysan karaan oo ay soo sheegaan wixii ay arkaan.” Ayuu yiri Gaas.

Al-shabaab iyo Daacish ayaa weeraro ka dhex fuliya deegaannada Puntland, waxaana ay ku sugan yihiin dhulalka buuraleyda ah ee maamulkaasi.

Waxaa aad u yar habka wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka si looga guuleysto AlShabaab iyo Kooxaha kale ee dalka ka dagaalama.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.