DHAGEYSO: Farmaajo oo Hargeysa Tagi kara & M.Biixi oo Muqdisho iman kara

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa ka hadlay rajada laga qabo in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dardar gelinta wadahadalada labada dhinac,isla markaana qorshahaas uu ahaa ,mid soo bilaawday Bishii maarso ee Sanadkan balse aysan sii socon.

“Marwalba weey naga go’an tahay inaan la hadalno Soomaaliland,qorsho waxaa jiray horay u socday oo ahaa inay wada kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix.

Waxaa la weeydiiyey suurtagal ma tahay in soomaalida dhexdeeda wadahadasho,iyada oo aysan ku dhex jirin dadkale,waxana uu sheegay in rajo laga qabo in Muuse Biixi uu yimaado muqdisho,Madaxweyne Farmaajana uu tago Hargeysa.

Wadahadalada u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa dhowr mar fashilmay,waxaan bilihii u dambeysay Soomaaliland ay aad u dhaliilayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar)
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar)

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.