Dhacdo kale oo Xanuun badan oo Muqdisho ka dhacday

Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dil uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha, kaasi oo loo geystay ruux saarnaa mid kamid ah gaadiidka dadweynaha.

Lama oga sababta ka dambeysay dilka ruuxaasi oo saarnaa gaadiidka dadweynaha, waxaana dadka gaariga la saarnaa la sheegay inay baqdin darteed u kala carareen.

Saaka ayay aheyd markii dhacdo xanuun  badan laga soo sheegay xaafadda Juungal, kadib markii wiil maqnaa seddex maalin la helay meydkiisa oo gaari qeybta dambe ka saaran.

Labo ruux ayaa dhacdada Juungal loo xiray.

Ciidamada amaanka oo maanta saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in dad badan loo hayo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.