DHAGEYSO: Gaas oo lagu dhagan yahay & Raali gelin laga sugayo

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo katirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya, ayaa ka dalbadat Madaxweynaha Maamulka Puntland inuu raali gelin ka biixyo gaf uu sheegay inuu u ugeystay dadka Koofur Galbeed.

Madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlay deegaanka Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa sheegay in Shabaabka duulaanka ku ah maamulkiisa ay ka yimaadaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Xildhibaan idiris, Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in Madaxweyne Gaas uu doonayo inuu xalaaleysto Hantida dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed ee ganacsiga ku leh magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Xildhibaan Idiris Abdi Taktar

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.