Xildhibaanada Baarlamaanka oo mooshin cusub gudbiyay

Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay guddoonka baarlamaanka uu qabtay mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Dalka.

Illaa 23 Xildhibaan ayaa saxiixday Mooshin Soo jeedin ah oo lagu dalbanayo in Ra’iisul Wasaaraha uu horyimaado Baarlamaanka, iyadoo Guddoonka Golaha Shacabka uu qabtay.

Xeer hoosaadka Golaha shacabka qodobkiisa 72aad ayaa dhigaya in 10 Xildhibaan soo jeedin u yeerid ay ka keeni karto Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo aan cod loo qaadin.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeediyay khudbado ay kaga hadlayeen amaank dalka Soomaaliya, waxaana wasaaradda amniga ay ku eedeeyeen inay gabtay xaqiijinta amaanka dalka.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.