Maxay Qatar ka damacsan tahay Somalia 2040 ?

656

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka taageereyso hiisgiga Soomaaliya ee 2040ka.

Kulan dhexmaray Wasiirka Qorsheynta Dalka Qadar,Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit iyo dhiggiisa Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa looga hadlay iskaashiga labada dal ee yoolka Soomaaliya ee 2040ka.

Wasiirka Qorsheynta Dalka Qadar ayaa dhiggiisa Soomaaliya ku wareejiyay hanaanka hiigsiga Qadar ee 2030ka iyo waxyaabaha ka qabsoomay ilaa hadda.

Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ballan qaadday in Soomaaliya ay ka taageereyso dhamaan dhinacyada dowladda,Arrimaha Bulshada iyo horumarinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Wasiir Jamaal ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya iyo kaalinta ay ku leedahay ka qeybqaadashada horumarinta Soomaaliya.

1 COMMENT

  1. ilaah waxaan ka rajeyneynaa in ilaah naga qabto sharwadeyaasha calooshoda u shaqeysto oo ummdds soomalida aan waxba u ogoleyn oo dalkeyna in ay gataan rabaan ilaah ha naga gabto oo dowladeynana ilaah ha noo ilaaliyo oo inta xun ilaah ha ka qabto wcsww

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.