Somalia: Wariye Cabdirisaaq Siciid Cismaa lagu dilay Tooreey

557

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhintay wariye ka shaqeyn jiray Idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Xalay waxaa ku geeriyooday wariye C/risaaq Siciid Cismaan oo kamid ahaa wariyaasha ka hawlgala Idaacada Codka Nabada ee magaalada Gaalkacyo.

Wariyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toorey ay ku dhufteen kooxi soo weeraray waxaana weerarka uu dhacay xili uu kasoo baxay shaqadiisa sida uu ii xaqiijiyay agaasimaha idaacada Codka nabadda Sheikh Ahmed Caanogeel.

Ilaa iyo.hadda lama oga sababata ka dambeysay dilka saxafigaas balse kooxihii dilka geystay ayaa Goobta ka baxsaday.

Allaha u naxariistee Wariyaha ayaa caan ku ahaa ka shaqeynta Arimaha Bulshada iyo goobaha danta guud oo uu ka duubi jiray Barnaamijyo maqal iyo muuqaal.

Ururka Suxufiyiinta Mudug ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland in cadaalad ay soo istaajiyaan koooxihii ka dambeyay dilka weriyahaasi.

Journalist Abdirizak Said Osman
Journalist Abdirizak Said Osman

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.