Farmaajo & Kheyre oo caqabad la kulmaya haddii aysan hal arin sameyn

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weynaya taageero badan oo uu ku lahaa baarlamaanka Soomaaliya, sabab la xiriirta ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre, ayaa culees badan kala kulmeysa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo naceybka xukuumadda loo qabo uu saameyn ku yeelanayo madaxweyne Farmaajo.

Caqabada ay  labada masuul la kulmayaan ayaa ah inay weyn doonaan taageero badan oo dhanka baarlamaanka Soomaaliya ah, maadaama xildhibaanada taageersanaa ay kubiiri karaan xubnaha mucaaradka daran ku ah dowladda Soomaaliya.

Waxaa muhiim ah in labada masuul ay dareemaan culeeska iyo mucaaradka isbahaysan kara ayna soo dhaweystaan xubnaha baarlamaanka, haddii kale ay la kulmi karaan mooshin iyo culeesaad kale.

Isku soo dhawaansho iyo inay qanciyaan xubnaha baarlamaanka,  ayay ku wanaagsan kartaa hagaajinta siyaasadda dalka oo hadda culeesyo badan ay ka jiran.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.