Farmaajo & Dardaarankii uu siiyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka

Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) .

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Waxaa Sidoo kale kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isbedallada ku dhacay Dowlad Deegaanka, Iyadoona Madaxweynaha Soomaaliya uu DDS Mustafe kula dar-daarmay inuu si Cadaalad iyo Maamul Wanaag ah.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ugu Dambeyn kala hadlay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida, Sidii Soomaalida Dowlad Deegaanku ay ula Jaan-qaadi lahaayeen Isbedelada Culus ee ka dhacay Geeska Africa.

Waa Kulankii ugu horeeyay oo dhex mara madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.