Daraasad: Waa sidee xaalada shaqo iyo waxqabad ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

420

Wakhti aan sii fogayn waxaan Safar gaaban oo cilmi-baadhiseed (research) ku tagay magaalada Muqdisho, caasimada dalka Soomaaliya. Wakhtigaas waxa magaalada ka jirtay nabadgalyo darro badan. Qaraxyo dhawr ah ayaa ka dhacay intii aan joogay, dad aan tiradoodu badnayna goobo kala duwan ayaa lagu dilay. Hase yeeshee guud ahaan dadku waxay u eegaayeen dad la qabsaday dhibaatada jirta oo danahooda iyo hawlahooda si caadi ah iskaga watay.

Cilmi-baadhista aan waday waxay la xidhiidhsanayd sidii aan wax uga ogaan lahaa noocyada/tirada gaadiidka cirka (Air transport) ee ka hawlgala Muqdisho, heerka uu maanta marayo aviationka Soomaaliya, caqabadaha horyaala, maraxaladihii laga soo gudbay iyo qorshayaasha ama higsiga mustaqbalka ee dawladu ugu talogashay inay ku horumariso aviationka dalka.

Muddadaa aan joogay Muqdisho, waxaan waraysi la yeeshay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dawlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad oo loo yaqaan “Oomaar”. Waxaan u kuurgalay (observation) habka ay shaqada maalinlaha ahi uga socoto Wasaarada, Haya`ada Duulista iyo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, aniga oo wakhtiyo kala duwan sameeyey sahankaas. Waxaan la sheekeystay shaqaale badan oo ka tirsan Wasaarada, Hayada Duulista iyo Madaarka. Sidoo kale waxaan la kulmay xubno muhiim ah oo ka tirsan haya`da ICAO oo iyadu hadda gacanta ku haysa maamulka hawada Soomaaliya. Intaa waxa dheeraa, waxaan waraystay qaar ka mid ah duuliyeyaasha (Pilots) iyo shaqaale ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ee u kala goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka gudihiisa iyo Kenya.

 Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya
Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya

Daraasad aan ku sameeyey xaalada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Baadhitaankaa aan sameeyey waxaan ku ogaaday waxyaabo badan. Talooyin badan oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa caqabado aan arkay waxaan la wadaagay Wasiirka iyo Masuuliyiinta hayada Duulista. Ma jirto magacyo iyo cid aan ku xusayo magacyadooda daraasadan marka laga reebo Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo isagu ah qofka ka masuulka ah aviationka Soomaaliya isla markaana wanaag iyo xumaanba isaga lagala xisaabtamayo. Guud ahaan qodobadan ayaa ka soo baxay baadhitaankaygii:-

  • Daahfurnaan la`aan (lack of transparency) weyn ayaa ka jirta Wasaarada uu Wasiirka ka yahay Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar). Wasiirku runta kama sheego xaalada uu maanta avitionka dalku ku sugan yahay. Tusaale ahaan, Wasiirku waxa uu qabtay xaflado badan, waxa uu goobo badan ka sheegay oo dadka aan xog ogaalka ahayn u sheegay (haba ku jiraan dawladee) in maamulkii hawada sare ee dalka ay dawladu si rasmi ah ugala soo wareegtay hay`adii ICAO ee muddada dheer maamulaysay! Arinkaasi sax maaha, run maaha waana majara habaabin (misleading) uu Wasiirku marar badan sameeyey. Waxa keliya ee soo kordhay waa xafiiskii Nairobi ee ay ku shaqeynayeen kooxda loo yaqaan Flight Information Services for Somalia (FISS) ee gacanta ku hayey maamulka hawada Soomaaliya ayuunbaa Muqdisho loo soo wareejiyey! Masuuliyadii rasmiga ahayd ilaa iyo hadda waxa gacanta ku haysa ICAO oo u xilsaartay FISS. Masuliyiin ka tirsan ICAO oo aan arinkaa Wasiirku had iyo goor sheego kala sheekeystay waxay ii sheegeen in hadalada Wasiirku ay yihiin ismuujin (Publicity) ku wahajahan Soomaalida isaga oo Wasiirku raba inuu dadka isu tuso inuu yahay geesi (Hero) soo dhiciyey hawadii Soomaaliya ee maqnayd mudadada dheer. Xaalada aviationku ku sugan yahay iyo carqaladaha horyaala oo la sheegaa waxay soo dhaweynaysaa xalka, waxaanay abuurtaa jawi isku tashi oo qof waliba hawsha uu hayo uu laba laabi karo si caqabadaha looga gudbo. Runta oo la sheegaa waa mid ka maqan Wasiirka oo sidaan dareemayo wax u dhimi karta shaqadiisa, shakhsiyadiisa iyo sumcadiisa Wasiirnimo intaba.
  • Wasiirku waxa uu shaqadii balaadhnayd ee Wasaarada Duulista Hawada ee la rabay inay jihayso siyaasada guud ee aviationka dalka Soomaaliya, waxa uu ku soo koobay ka sheekeynta iyo ka hadalka “Maamulka hawada” oo kaliya. Dabcan arinkaasi waa muhiim laakiin waxa uu Wasiirku faraha ka qaaday oo uu ilaaway dhamaanba qaybihii kale ee aviationka oo badqabka (safety) iyo amaanka (security) garoomada, dadka iyo diyaaraduhu ay ugu horeeyaan. Wasiirku waxa uu ka dalbaday Hayada ICAO ee maamusha hawada Soomaaliya inay joojiyaan Mashruuc iyo hawl kasta oo ay wadaan, waxa keliya ee uu kala hadli karo amaba kala shaqayn karo ICAO waxa uu Wasiirku ku soo koobay ka hadalka sidii hawada loo soo wareejin lahaa. Waa run waa hawl muhiim ah, laakiin soo wareejinta waxa ka horaysa inaad dhisto oo diyaariso (cabacity building) cidii hawshan dalka u qaban lahayd, shuruucdii hagi lahayd iyo qalabkii lagu shaqayn lahaa kuwaas oo u baahan aqoon, khibrad iyo wakhti. Wasiirka keliya waxa u muuqdaa waa Sawirka Dollarka iyo lacagta laga qaado diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, waxaanuu ku dadaalayaa inta uu xilka hayo in lacagtaa uu gacanta ku soo dhigo. Waana halka uu ku salaysan yahay safarkan ugu dambeeyey ee Wasiirku ku tagay xafiiska ICAO ee Montreal, Canada. Marar badan oo ICAO qiimayn ku samaysay xaalada aviationka Soomaaliya waxay cadeeyeen inaan dalku diyaar u ahayn la wareegida masuuliyadaa culus, Wasiirkuna ma hayo dariiqii saxda ahaa ee lagula soo wareegi lahaa hawada, markaa waa lugooyo iyo jug jug meeshaada joog!
  • Ma jiro wax wada-xidhiidh (Communication) hagaagsan amaba la sheegi karo oo u dhexeeya Wasiirka iyo shaqaalaha Wasaarada, Hay`ada Duulista iyo kuwa garoonka diyaaradaha ee uu xukumo, marka laga reebo dhowr qof oo ay si dhow isugu xidhan yihiin. Tusaale ahaan, Wasiirku shaqaalaha lama wadaago natiijada ka soo baxda kulamada uu la qaato masuuliyiinta ay shaqada aviationku ka dhaxayso ee ku kala sugan xafiisyada ICAO Nairobi iyo Montreal. Waxay ahayd in wada – xidhiidh laba dhinac ah (two ways communication) uu jiro kaas oo Wasiirkuna shaqaalaha ugu gudbinayo hadba wixii soo kordha iyo xasuusin uu mar walba xasuusinayo hadafka wasaarada ee la rabo in la xaqiijiyo, dhinacoodana ay shaqaaaluhu ku soo bandhigaan talooyin iyo fikrado ka dhashay hawlmaalmeedka shaqo ee ay hayaan kuwaas oo lagu sii horumarinayo shaqada wasaarada, hayada iyo garoonkaba. Waxa jirta xidhiidh yaraan/xumaan (Lack of communication) taasina waxay keentay in badiba shaqaaluhu aanay ogayn meel laysla marayo, waxa socda iyo meel loo socdo midnaba, waxaanay u muuqdaan kuwo kaligood meel cidla ah gaardinaya! Dabcan, shaqaaluhu arinkaa eed iyo canaan midnaba kuma laha waana gaabis ka yimid dhinaca Wasiirka.
  • Dabcan siyaasada dawladu ku shaqaynayso iyo hadafka ay rabto inay xaqiijisaa wuxuu ka soo bilaabmaa barnaamijka uu wato Madaxweynaha markaa talada dalka haya ilaa ay soo gaadho heer Wasiir ka dibna hoos loo sii daadejiyo (top – down). Sidaa daraadeed waxa la gudboon wasaarad kastaa inay hirgaliso siyaasada dawlada qaybta iyada kaga beegan. Hase yeeshee inta aan ogahay amaba ka arkay ma jirto aragti dheer (vision) qoran oo la fulin karo oo Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawadu ugu talogashay in ay ku hagto aviationka Soomaaliya. Si kale hadaan u sheego ma jiro qorshe muddada dhexe ama dheer (Middle and long term strategy) loogu sii diyaar garoobayo tayeynta iyo horumarinta aviationka Soomaaliya. Dabcan, cida laga rabay inay hawshan la taimaadaa waa Wasiirka. Taa macnaheedu waxa weeye inaan Wasiirku lahayn aragti fog oo uu wax kaga qabanayo kuna horumarin karo aviationka Soomaaliya sanadaha soo socda. Keliya aragtida Wasiirku waxay ku salaysan tahay maamulid hoose (micro management) oo hawl-maalmeedka iyo shaqada joogtada ah ee Wasaaradu qabato maalin walba uu maamulayo. Wasiirku waa hogaamiye (leader) ka masuul ah Wasaarad muhiim ah oo Qaranka uga wakiil ah aviationka. Sidaa daraadeed, waa inuu ka fikiraa sidii berri iyo sanadaha soo socda uu aviationka Soomaaliya uga sii wanaagsanaan lahaa halka uu maanta joogo, ula tartami lahaa dalalka deriska ah isla markaana kaalin muhiim ah uga gali lahaa caalamka. Iyaba waa nasiib daree aragtidaa dheeri iigamay muuqan Wasiirka waana mid ka mid ah astaamaha lagu yaqaan hogaamiyaha (Wasiirka) aan lahayn hogaaminta suuban.
  • Wasaarada iyo Hayada Duulista waxa ka shaqeeya rag iyo dumar aqoon iyo waayo aragnimaba u leh hawlaha aviationka, kuwaas oo ka mid ahaan jirey shaqaalihii joogay ilaa wakhtigii dawladii Siyaad Barre amaba wakhtiyo hore ku soo biiray. Hase yeeshee kooxdaasi waxay u muqdeen kuwo la hafiyey oo ay booskii ku cidhiidhyeen shaqaale badan oo aan aqoon iyo khibrad toona lagu qorin balse hab qabiil iyo dano gaar ah ku salaysan lagu qoray shaqada. Shaqaalahaa hore waxay dareemayeen in aan waxba laga weydiin hawlaha shaqo ee Wasaarada iyo Hay`ada iyo inaan lagala tashan qorshayaasha mustaqbal ee Wasaarada iyo Hayada. Waa khibrad iyo aqoon aan laga faa`iidaysan. Habdhaqanka noocan oo kale ahi waxa uu niyad jab ku ridaa shaqaalaha oo isu arka in aanay qiimihii iyo mudnaantiii ay lahaayeen inaan la siinin, taana waxa ka dhasha niyad-jab, daal-maskaxeed iyo shaqadii oo aan xiise badan loo qabin. Taasina waxay saameyn ku yeelataa shaqadii la qabanayey iyo goobtii shaqada oo noqota goob aan shaqo wanaagsani oolin (toxic workplace), waxaana hoos u dhac ku yimaadaa wada shaqayntii ka dhaxaysay Masuuliyiinta iyo shaqaalaha. Dabcan waa dhibaato aan arkay intaa aan daraasada waday.
  • Ma jiro xidhiidh weyn oo wanaagsan oo ka dhexeeya Wasaarada/Hayada Duulista iyo shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka shaqeeya. Waxa mudooyinkan dambe rukhsado shaqo (permission) la siiyey shirkado badan oo isticmaalaya diyaarado yaryar kuwaas oo u kala duula Muqdisho iyo magaalooyinka kale. Waa arrin fiican in isku xidh magaalooyinka kala duwan oo dhinaca cirka ahi samayso. Hase yeshee kaalintii iyo doorkii ay wasaarada iyo hay`ada duulistu ku lahaayeen wuu maqan yahay. Tusaale ahaan, xil weyn la iskama saarin hubinta badqabka (safety) diyaaradahan yar yar oo badankoodu hadaanay kuligoodba ahayn ka diiwaan gashan Kenya (5Yxxxxx), waana arrin werwer badan aan ka qabo. Mida labaad ahmiyad weyn lama siinin hubinta in shirkadan yaryari ay dhaqaale ahaan isbixin karaan (financial stability) oo ay duulimaadkooda iyo shaqadooda joogtayn karaan iyo inay lugooyo yihiin kuwaas oo si lama filaan ah hawada uga bixi kara taasina keeni karto dadkii raacay oo ku go`dooma magaalooyinkii la geeyey wax soo celiyana waaya. Intaa waxa dheer, habsan/daahitaan fara badan (delay) iyo adeeg xumo (poor services) ayaa lagu qabaa diyaradahan yar yar mana muuqato Wasaaradii/Hay`adii wax ka qaban lahayd ee u dhaxaysay dadka dhoofayaasha ah iyo shirkadahan. Waa qof iyo nasiibkii wixii uu kala kulmo diyaarada uu tigitkeeda goostay. Tanina waa mid ka mid masuuliyadihii badnaa ee Wasiirka looga fadhiyey inuu sida ay tahay uga soo baxo balse lagu hungoobay!

Uguma talagalin inaan halkan ku soo wada qoro dhamaanba wixii iiga soo baxay (findings) daraasadii aan ku sameeyey xaalada aviationka Soomaaliya, waxaanse rabay in aan wax ka iftiimiyo ama tilmaamo sida hadda xaalka aviationka Soomaaliya yahay, qaar ka mid ah dhibaatooyinka jira iyo sida uu yahay hab-maamaamulka Wasiirka ka masuulka ah aviationku.

PDF- Daraasad waxqabadkA ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Waad mahadsan tihiin , Cabdikariim Cali

abdikarim1979@hotmail.com

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.