Baarlamaanka oo Kulan Dhegta loo wada Taagayo Yeelanaya Maanta

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulan Muhiim ah, oo ku saabsan amaanka magaalada Muqdisho oo maalmahaan qaraxyo ay ka dhacayeen.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Isniin ah, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen guddiga joogtada golaha shacabka ayaa waxa ay sheegeen kahor inta aysan guda gelin sharciyada kale ee horyaalla baarlamaanka inay muhiim tahay inay ka hadlaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa maanta waxa ay ka doodayaan amni darada ka jirta magaalada Muqdisho iyo sidii xal loogu heli lahaa, islamarkaana hay’adaha ammaanka loogula xisaabtami lahaa dhacdooyinka amni daro.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa waxa ay ka doodayaan kontoroolada ku yaalla agagaarka madaxtooyada oo gaadiidka dowladda ay wataan lagu weydiiyo aqoonsiyo iyada oo askariga fadhigiisa loogu keenayo aqoonsiga si uu u arko, kadibna uu u sii daayo gaariga.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid aan la isku haleyn karin kadib markii habeen kahor Muqdisho lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Boorow), markii uu ku qarxay gaarigiisa oo loogu xiray miinada nuuca dhejiska.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.