Sidee u dhacay Qaraxii lagu dhaawacay Xildhibaan Barow ? [Sawiro]

425

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, ayaa waxaa saaka ka socdo Howlgalo lagu nadiifinayo halkii xalay uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa xalay ayaa waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Maxamed Mursal Barow, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doorto magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xaaladda Xildhibaanka ayaa lagu waramayaa in dhaawac culus uu xalay kasoo gaaray qaraxa, waxaana markii hore dhaawaciisa la dhigay isbitaal maxali ah, walow markii dambe laga saaray.

Xaaladda ayaa sii xumaan karta, maadaama sida sawirada la muuqata qaraxa uu ahaa mid xoogan oo saameeyay gaariga xildhibaanka, waxaana geeriyooday darawalkii xildhibaanka waday.

Waa qaraxii ugu horeeyay oo noociisa lagu xiro gaari Hillux ah oo gadaal ciidamo ay ka saaran yihiin.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.