May rumoobin Riyadeydii Xalay! Qeybtii Labaad

445

Mugdi yar ayaa jira, oo salaadii Subax ayaa laga soo baxay, Walina waaga Si wanaagsan uma baryin, Dhawaqa Raha Biyaha ku dhex jira, Cowska Dhaadheer ee Dhadhada leh oo mararka qaar i taabanaya ayaa cabsi i gelinaya, oo Xaada ayaa fulaynimo darteed ii kaceysa.

Geeduhu aad bey u dhaadheer yihiin, Hoos ayaan joogaa, waxaan eegayaa qeybta kore ee geedaha, inta aan fiirinayay ayaan arkay xawaanka Daanyeerka oo cabsidii igu siyaadiyay, maxaa yeelay wuu isoo eegayaa, oo wuu iga cabsanayaa.

Aniga oo geesinimo iska raadinaya, ayaa marba dhinac madaxa ugu wareejiyaa Daanyeerka, isagana igama haro oo wuuba ila raacraacayaa, waxaana sii kordhay istaaga xaada cabsi darteed, Mararka qaarna qeylo ayuu ii raacinayaa si uu iisii cabsi geliyo.

Markii Daanyeerkii dhawaaqay seddex kale oo ka weyn midkaan is heynay, ayaa wehel ahaan ugu timid, oo markaa xaalkii cabsidaa is badalay, oo timihii madaxa ilaa lugaha ayaan dareemay inay istaageen.

Kadib waxaan maqlay shanqar kasoo yeereysa dhankayga Midig, ileen waa yaxaas doonaya inuu banaanka usoo baxo.

Intuu xaalka sidaa ahaa, waxaa soo dhacay Mobeylkeygii Yaraa oo qeylida iyo Gariirka isla socdaan, anigoo moodaya dhawaq kale oo igu soo kordhay ayaan u cararay horteyda oo diidiin weyn kasoo socdo, balse waa telkaygii, markii aan cararayna Daanyeeradii ayaaba iga cabsaday oo dhinac kale u cararay.

Mohamed Isse Mohamud
Mohamed Isse Mohamud

Halka aan joogo waa beeraha Afgooye, Waxa isoo wacayana waa Wakiilkii Ganacsiga ee Shirkadda AFGIO Vegetable Company ee Shiinaha.

Shirkadda Waxay noocyada kala duwan ee Khudaarta u iib geysa dalalka Talyaaniga, Shiinaha , Carabta iyo dalal ku yaala Yurub, sababtoo ah, beeraha Shabeelaha Hoose ayaa helay maalgelin buuxda iyo Biyo Badan, dadkana Barwaaqada ayay ka faa’ideysanayaan, maadaama muddo kadib nidaam dowladeed oo lagu qanacsan yahay dalka uu ka jiro.

Waxaa la iga dalbaday Khudaar badan, inaan Saaro Tareen ka baxaya Afgooye, oo sii Maraya Dalalka Bariga Africa oo Shiinaha uu ka dhisan Qad tareen oo dhexmaraya, ugu dambeyna geynaya Tanzania.

Afgooye, Laamiyadda ayaa is dulsaaran, oo ugu yaraan seddex laami ayaa kala sareeya, Hareeraha Laamiyadda waa Doog oo qof kastaa ayaa isku xilqaamay in hortiisa uu geed ku abuuro, Tareen ayaa mara duleedka magaalada, Biyaa wabiga wey buuxaan, Khudaarta waa raqiis oo waxaa laga yaabaa 7 Shilin oo ah wax ka yar 10 Shilin Soomaali ah, inaad ku iibsan karto  khudaarta aad cuni laheyd todobaadka soo socdo.

Dadka Carabta, Cadaanka iyo African ee ka shaqeynaya beeraha Khudaarta ee magaalada ayaa kordhaya, oo dowladda ayaa dadkaasi ka qaata canshuur badan joogitaankooda dalka darteed.

Markuu Halkaa Xaal Marayo, aniga oo xisaabinayo lacagta Khudaartii aan u diray Shiinaha, Carabta, Talyaaniga iyo Kenya, gurigaygana iska jooga, waxaa iisoo galay qolka Hooyo macaan oo ku qeylinaysa,

Maxamed ka kac oo Quraacdaan u Qaad Beerta Sisinta noogu taal oo aabe iyo Shaqaalaha kaaga horeeyaan, una Geey Cambuuladaan iyo Shaaxaan, ciyowna kasoo laabo xaalka ma fiicnee!!!.

Kadibna Waxaan xaqiiqsaday inaan Riyo Cabsi iyo Barwaaqo laheyd ku jiray.

Mohamed Isse Mohamud
Mcmaxamuud1@gmail.com
Facebook.com/mociise

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.