Maxay Somaliland u joojisay Shidaalka kaga imaan jiray Ethiopia ?

193

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen Shidaalka uga imaan jiray dalka Itoobiya, kasoo la keeni jiray degaano ka tirsan maamulka Somaliland.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay la wareegtay Haamaha Shidaalka, islamarkaana isbedel Ballaaran lagu sameyn doono dhaqaallaha degaanada maamulka Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa amray in aan shiidaal laga soo gelin Karin Magaaladda Baligubadle ee xad la leh dalka Itoobiya.

Amarkaan ayaa waxa uu ku sheegay in looga gol leeyahay Maadaama ay Xukuumadda Somaliland la wareegtay Haamihii Shiidaalka, si loogu sameeyo suuq.

Qaar ka mid ah dadka  Magaaladda Baligubadle ayaa arrintan ku tilmaamay mid lagu cunaqabateynayo ,islamarkaana xukuumadda Muuse ku eedeeyay in ay  kasoo horjeedo horumarka Magaalada.

Haamanka Shidaalka  Soomaliland
Haamanka Shidaalka Soomaliland

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.