Maxaadan Ogeyn oo ka cusub magaalada Jigjiga ?

221

Wararka aan ka heleyno magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xalay bandhow lagu soo rogay magaalada, waxaana ciidamada amaanka ay qabqabanayeen dadka jibiya amanka Bandowga.

Ciidamo badan ayaa lagu daadiyay xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Jigjiga, kuwaasi oo dadka ku amrayay inaysan kasoo bixin guryahooda, islamarkaana u sheegayay inay magaalada Bandow tahay ilaa waaga ka baryo.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii la helay xogo la xiriira in dadweynaha ay sameyn rabaan banaanbaxyo aan la ogeyn ujeedada laga leeyahay, taasi ayayna ciidamada doonayaan inay ka hor tagaan.

Dhinaca kale waxaa ilaa shalay baraha bulshada dhex socday sawirka calanka Amxaarada oo xaafad magaalada Jigjiga ka mid ah ka soo muuqday, waxaana soo baxayay barayahan dambe dareen cusub oo calankaasi uu abuuray.

Bandowga Jigjiga lagu soo rogay ayaa u muuqda mid ka yimid culayska xukuumada Ethiopia dhinac walba ka saaran waana arrin iska cakiran marka la eego talaabooyinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu shaqadiisa ku bilaabay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.