May rumoobin Riyadeydii Xalay!!!

204

Waa Xili Maqribku sii dhamaanayo, salaadii Ceshana aan la gaarin, Waxaa jiro qabow aan badneyn, cirka daruur roobeed ayaa ka muuqata, oo marka aad kor fiiraso waxaad arkeyaa mugdiga Daruurta iyo saansaan roobeed.

Mararka qaarna waxaa meel ka baxsan qiyaas ahaan daruurta ku hareereysan Muqdisho, laga arkayaa hilaaca Biriq dhaceysa, oo aan ku qiyaasay in ugu yaraan meel kale roob ka da’ayo.

Leyrarka waxay ifinayaan dhamaan waddooyinka  Maka Al Mukarama, Sodonka, Wadnaha iyo kuwa mara xaafadaha magaalada Muqdisho, midabadooda way kala duwan yihiin oo mid waa casaan “Gaduud”, midna Cadaan kuwa kala midabo baluug ah ayaa ku jiro.

Waddooyinka waxaa lugeynayo rag iyo dumar ajaaniib ah oo qofna aysan ilaalo ka aheyn, magaalada waxaa kusoo kordhay goobaha dhalinyarada ku kulmaan oo midba midka kale ka qurux badan yahay, waxaan joogaa meel ilqabad leh oo laga dhisay xaafadda Suuqa Xoolaha.

Dream Park  “Beerta Riyadda”, waa goobta cusub ee laga dhisay Xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaan dareemayaa dhaxan aan badneyn, laakiin kama walwal sani in qabowga sii kordho, sababtoo ah gaariga raaxadda ee aan wato  waxaa ii saaran dharka dhaxanta celiya.

Nalalka Midabada leh ee lagu xardhay goobta aan joogo ayaa isbadalaya ilbiriqsi kasta, Waxaa darjiin aan ku qaadanayo hawo qabow ah, ila fadhiya Gabadhayda Curadda ah oo ku labisan dharka calanka iyo jaakad cad oo dhabarkeeda ku eg, waxay ii tilmaamaysaa goob caruurta lagu ciyaar siinayo iyaga oo faraxsan, oo waxay rabtaa inaan halkaa geeyo, balse Hooyadeed iyo caruurta kale oo Jalaato doontay ayaan sugayaa.

Heerka Shaqo abuurka ayaa kordhay 100%, oo waxaa yar qof shaqo la’aan ah, xitaa ajaaniib ayaa ka shaqeeya warshadaha Shidaalka, dhismaha, Beeraha iyo kuwa macdanta soo saara.

Dahabka iyo Luulka laga helo buuraha dalkeena iyo gobolada waxaan u iib geynaa Koofur Africa.

Waxaa Shidaalka loo iib geeyaa dalalka Adduunka, iyadoo dowladda ay ka faa’ideysanayso dhaqaalaha dalka ayaa waxaa la bilaabay dhismaha laamiyo isku xiraya dhamaan gobolada dalka, waxaana barbar socdo Mashruuca ku xerida Leyrar wada Casaanka ah ama gaduudka.

Caafimaadka,Waxbarashada, biyaha, Korontada iyo adeegyada aasaasiga ah ayaa lacag ay ku helaan dadka, waxaa usii dheer in Somalia waxbarasho ay usoo doontaan ajaaniib badan.

Intii aan joogay Dream Park, Beerta Riyadda, waxaa imaanayay ajaaniib badan oo doonaya inay daawadaan Film dhaganaa oo ka hadlaya sida Somalia horumarka ay ku gaartay, waxaana jilayay Soomaali, Shiinees, American iyo Jabuutiyaan.

Xaaska iyo curadda ayaa iga dalbaday inaan daawano filimka dhaganaa, laakiin ma aysan dhicin oo waxaan goobta ku arkay mid kamid ah saaxiibadeydii hore oo ay iigu dambeysay xiligii dalka Burburka ku jiray sanadkii 2018.

Caruurta iyo hooyadood ayaan u ogolaaday inay Iyaga galaan qeybta Shineemada ee Beerta Riyadda oo si casri ah u dhisan, waxaana Buleetiga, Looska ama daangada iyo cabitaanta qof walbaa uu ku jaranayay seddex shilin.

Sheeko dheer oo aan galnay aniga iyo saaxiibkey Xuuro, kadib waxaan maqlay Dhawaq iila muuqday in la tijaabinayo hub maalin ka hor dowladda kasoo iibsatay Ruushka.

Xuuro: Maxamed maxaa dhacayne.

Aniga: Hubkii Ruushka aan kasoo iibsanay ayaa la tijaabinayaa, xamarna maaha ee waa Baadiyaha Afgooye.

Xuuro: Kaama yeelin waxaan waxay ka dhaceen Maka Al Mukarama

Aniga: kkkkkk, Mr Xuuro Riyo ayaad ku jirtaaye ka kac, ma waxaad noo celin rabtaa sanadihii burburka, Dhaca, Dilka, Hoobiyaha iyo qaraxyada oo ay inoogu dambeysay sanadkii 2018, oo Jug iyo jagac aan ka daalnay.

Xuuro: Adigaa Riyo ku jiree  ka bax Riyadda.

Halkaasi markey mareyso, waxaa ii yimid Walaalkey Xanaaqaaye, oo doonaya inuu ii kiciyo Salaadii Cishaha oo uu diidayay inay iga tagto, kadibna wuxuu Xanaaqaaye doonayay inaan wada casheyno.

Labo dharbaaxo uu ii geliyay cajarka, kadib waxaan ba kusoo toosay xaafadeydii degmada Shibis, Sariirtii oo Go’ Baati ah iigu firaashan yahay, kaasi oo qeyb kamid ah dhulka uu yaal, waxaana iigu jiro oo aan iska badalin dharkii aan shaqada uga imid.

Kadib waxaan xaqiiqsaday inaan riyo ku jiray caawa oo dhan, waxaana la ii sheegay in qaraxyo magaalada ka dhaceen intii aan hurdayay, kadibna waxaa xigtay Geerida saaxiibo iyo dad aan aqoon wanaagsan u lahaa.

Xamar Alle ayaa kuu maqan, waadna gaari doontaa Halka ay joogayaan caasimadaha kale ee kula midka ah oo aan beri ka horeyn jirtay.

DHACDOOYINKA DHABANA HEYSKA INA BADAY !!!

Mohamed Isse Mohamud
Mcmaxamuud1@gmail.com
Facebook.com/mociise

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.